X

Horjooge Muuse Biixi oo raba in awood qaybsiga Awdal geeyo maxkamada beeshiisa

Horjooge Muuse Biixi ayaa sheegay in awood qaybsiga reer Awdal dalbadeen kahor inta aan la qaban doorasho ku sheega maamulka uu horgeyn doono maxamada beeshiisa.


”Wuxuu ogaan isaga indha tirayaa waxa reer Awdal dalbanayaan oo ah haddii maamulkan ay ISAAQ u dhiseen ku sii hoos jirayaan ay beesha dhexe ogolaato awood qaybsi saxa ayuu yiri Xuseen Warsame.

”Caqli xumada Muuse Biixi wuxuu is leeyahay waxay ku qancayaan maxkamada beesha dhexe mar hadday diideen sadexdoodii xisbi ayuu raaciyay Xuseen Warsame.


Si kastaba ha ahaatee dhalinta reer Awdal ayaan waxba qarin sheegayna in awood qaybsi wax aan ahayn aan lagu kala baxayn hadday taasi dhici weydana, wax ISAAQ ay la wadaagaan ayna jireyn.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.