X

Booliiska magaalada Muqdisho oo ku guulaystay qabashada laba argagixiso

Ayadoo xalay ay magaalada ka dhaceen weeraro loogu talogalay khalkhal gelinta amniga ayaa booliiska magaaladu ku guulaystey inay nolol ku qabtaan laba argagixiso.



Weeraro loo adeegsaday bam gacmeedyo ayaa lagu tuurey ilaa 8 degmo oo ka tirsan Muqdisho waxana jira khasaare soo gaaray meelihii argagixisada ku tuurtey. Booliiska ayaa sheegay in dhimasho jirin laakin ay jiraan dhaawacyo shacabka soo gaaray.

”Weerarada noocana oo ku cusub magaalada ayaa waxa loo malaynayaa inay ka dambeeyeen kuwa mucaaradka sheegta ayuu qabaa Cali Calasow ayagoo had iyo jeer ka hadla in argagixiso baad qaadato ama dekedda joogto soona sheegina.



”Waxaan ku guulaysanay inaan gacanta ku dhigno laba argagixiso haddana waa xiran yihiin ayuu yiri afhayeen u hadlay booliiska.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.