X

Horjooge Siciid Deni oo ku farxay hal milyan ka timi dawlada dhexe iyo walaac la qabo

Dawlada dhexe ee Somaliya ayaa hal milyan oo doolar ugu deeqday gargaarka loo fidinaayo dadka daadadku ku waxyeeleeyeen degmada Qardho ee Butlaan. Waxa lacagtaas ku farxay horjoogaha diidan dawlada dhexe ee Siciid Deni oo jecel lacagta imanaysa laakiin aan rabin in la xukumo.


Waxase walaac xoogan durba laga muujiyay lacagtaas masaakiinta loogu deeqay in ayna gaarin oo loo adeegsado in siyaasad. Ilaa hadda lama oga sida lacagtaas loo qoondeeyay waxayse ku dhacdey jeebka horjooge Siciid Deni ayuu yiri Cali Calasow.


”Ma hayno sida lacagtaas loogu adeegi doono dadka baahan ee xilligan jiifa wadooyinka magaalada Qardho ilaa taas la helena waxaan qaadan karnaa in lacagtaas ayna gaarin dadkii loogu talogalay ayuu raaciyay Cali Calasow.

”Waxay ahayd in lacagaha deeqaha la marsiiyo guddiga qaran ee gurmadka hadhowna lagula xisaabtamo laakiin horjooge gacanta uga geli waa khasaare la arkayo ayuu qabaa Xuseen Warsame.


Sidoo kale dawlada ayaa wada sidii gargaar la mida u gaarsiin lahayd dadka wax soo saarkoodii daadku qaaday gobolka Gedo.

Horjooge Siciid Deni ayaa xataa wax kale iska daaye indhaha kaga dhacay sida wararka aan helayno sheegayaan boqor Burhaan oo isagu magacaabay guddi. Waxay tani muujinaysaa in dadku wax rajo ah ka qabin in lacagtaasi gaarto dadka u baahan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.