November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Horjooge Siciid Deni oo lagu eedeeyay inuu leexsaday lacagtii ciidanka

Waxa shalay wadooyinka xidhey ciidan ka tirsan maamulka Butlaan oo in muddo ah aan qaadan wax mishahara. Maamul xumo uu la yimi horjooge Siciid Deni ayaa keentay in ciidanku noqdo bilaa mishahar muddo dheer.




Haddaba saraakiisha ciidanka ee maamulka Siciid Deni ayaa sheegay inuu leexsaday lacagtii ciidanka. Lacagaha ciidanka ayaa qayb ahaan loo adeegsaday doorashadii istuska ahayd ee waxoogaa loga cunay kooxda Xalane.



”Caadi ayuu u leexsaday lacagtii loogu talogalay ciidanka masaakiinta ee qoysaska leh sida keliya ee ay wax ku heli karaana ay tahay in wadooyinka xiraan ayuu yiri Maxamuud Shire.



Maaha markii ugu horeysay ee la cuo lacagtii ciidanka. Waxayna noqotey wax caadiya in ciidanka bilooyin ahaadaan bilaa mishahar ayuu yiri Cali Calasow.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS