X

Horjooge Siciid Deni oo lagu hayo xerada XALANE welli si fiican loolama xisaabtamin

Askarta horjooge Siciid Deni ayaa rasaas ku furey dad u soo baxay taageerada dawlada magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag ee siyaasiyiintoodu kolna u cararaan dhinaca Muuse Biixi kolna dhinaca Siciid Deni.


Waxa rasaastaas lagu furey dadka aad u cambaaraysay dawlada dhexe. Horjooge Siciid Deni ayaa qaba inuu ka go’i karo Somaliya, inkastoo aanu is weydiin cida uu la go’ayo.

”Dadkan hubka culus ayaa lagu riday waxana masuuliyada qaadaya horjooge Siciid Deni oo aan si dhaba loola xisaabtamin ayuu yiri Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan.


Si kastaba ha ahaatee siyaasiyiinta gobolka Sanaag waa inay kaalintooda ka qaataan xalinta dagaalada ka dhaca gobolkaas.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.