X

Horjooge Siciid Deni oo looga yeeray Nayroobi laakiin dirtey wakiil

Kooxda sheegata beesha caalamka ee qasaysa Somliya iyo doorashadeeda ayaa Nayroobi ugu yeertay horjooge Siciid Deni laakiinse wuxuu dirsaday wakiil la kulma. Wadamada u yeertay oo sheegta beesha caalamka ayaa u haya arin ay jeclaadeen.


”Waxaan la kulanay kooxda beesha caalamka ee aadka u danaysa dimoqraadiyada Butlaan oo kala ah Maraykanka, Noorway, Ingiriiska, Iswiidhan, Denmaark, Jarmalka, iyo midowga Yurub ayuu yiri gudoomiyaha guddiga ku meelka ee doorashada Bultaan Guuleed Saalax Barre.


Kooxdan dawlada Somaliya gadaasheega ku qabanaysa shirarka ayaa ujeedadu tahay in la xoojiyo waxa hadda loogu yeero federaal, waxayna qayb ku lahaayeen doorashadii horjooge Siciid Deni ku fashilmay ee dhawaan dhacday.



”Dabcan waxa loogu yeeray horjooge Siciid Deni oo ahayd inuu bilaabo doorashada golaha shacabka, waa in lagu wareeriyo doorasho ku sheeg kale, lacagna la siiyo ayuu yiri Cali Calasow.

”Waxaan u tagney inaan helno dhamaystirka doorashadii aan bilownay ayuu raaciyay Guuleed Saalax Barre.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.