X

Tigreega oo qarxiyay in Maraykanku rabay inay galaan Addis ababa

Tigreega ayaa qarxiyay in Maraykanku ka rabay inay galaan Addis ababa laakiin taageero lacag iyo mid sirdoon  mooyee ay ka waayeen wax kale sida uu sheegay afhayeenkooda. Tigreega ayaa hadda orod ku galay gobolkooda kadib markii hilfaha loo qaaday.


”Hadda waxaaan ku daba jirnaa inaan dhamaystirno guusha iyo jabka weyn ee ku dhacay Tigreega ayuu yiri afhayeen u hadlay ciidanka Itoobiya. Warbaahinta reer galbeedka ee uu ugu horeeyo Maraykanku ayaa faafin jirtey in Tigreega liitaa ay qabsanayaan Addis ababa.


”Oohinta ka soo yeeraysa Tigreegan jabay ayaa u muuqda mid uu is leeyahay ku hela taageero kale waxase hadda cambaarayn dusha uga tuuraya isla kuwii shalay lahaa waxay waxyar u jiraan Addis ababa ayuu yiri Xirsi Warfaa.



Addis ababa oo ah xarun Oromo waxa difaaceeda diyaar u ahaa 200 oo kun oo dhalinyaro oo diyaar u ahaa inay liqaan Tigreega laakin marnaba ma dhacdeen inay Addis ababa jiq geliyaan waaayo tirona ma haystaan hubna ma haystaan.

Maxamed Yusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.