X

Horjooge Siciid Deni oo qirtey inayna waxba gacmaha ugu jirin

Horjooge Siciid Deni oo dagaalkii uu ku qaaday ciidan Marayanku tababaray oo uu hogaamiyo Diyaano ayaa qirtey inayna hadda waxba gacmaha ugu jirin oo uu is dhiibey. ”Khalad ayuu ahaa dagaalkaas haddana meeshan (Butlaan) dadkii wada dhistay waxay go’aamiyaan ayaan diyaar u ahay ayuu yiri Siciid Deni.


”Wuxuu fariin calaacala u direy Diyaano una sheegay inaanu iska xumayn mustaqbalka iyo hawshii ay qoyskiisu la galeen argagixisada ayuu raaciyay Siciid Deni oo garowsaday inaanu xoog wax ku muquunin karin.


”Marka hore ma arkaan in meeshu tahay magaalo dad badan ku dhiman karaan inta aanu gaarin dantiisa waaba hadduu gaaree ayuu yiri Cali Calasow. Su’aasha muhiimka ayaa ah mar haddii uu qirtey in khalad weyn uu ahaa dagaalku, dadkii sababta dagaalka u dhintey ma helayaan xaqoodii?



”Hadda wixii ka dambeeya waxaan hoos aaala dadkii maamulkan wada dhistey iyo wixii ay ku taliyaan ayuu qiranayaa hadda oo ogaday inaanu kelidii awood lahayn waxna gacanta ugu jirin. Reer Butlaan Inay booska ka tuuraan si dib u heshiisiin loo helo ayay ku fiican tahay.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.