X

Milatariga Itoobiya oo la faray inay hakiyaan baacsigii Tigreega

Milatariga Itoobiya oo hadda gudaha u galay gobolka Tigreega ayaa la faray inay hakiyaan baacsiga maleeshiyada Tigreega oo baxsadkoodii iyo meydkoodii qaar gaareen Maqale. Milatariga ayaa hilfaha u qaaday Tigreegii ku sugnaa dhulka Canfarta iyo Axmaarada haddana Maqale u jirta ilaa 150km.


Dadka indha indheeya arimaha milatariga ayaa sheegay in aaga hadda milatarigu gaaray ee gobolka Tigreega uu yahay dhul buuralay badan ku yaalaan oo sida keliya oo looga saarayaa ay tahay in diyaarado lagu garaaco. Inkastoo la awoodo in la garaaco haddana waxa laga doorbiday bal in milatarigu nasto.


ā€¯Waxaan faraynaa milatariga inay hakiyaan weerarka ayado ay jirto sababo badan ayuu yiri afhayeenka dawladu. Waa dhamaaday wareegii labaad ee maleeshiyada looga sifaynaayay dalka ayuu raaciyay.



Warar kale ayaa sheegaya in Maraykanku codsaday in dawladu dagaalka hakiso maleeshiyada Tigreegana laga saaro dalka, si loo badbaadiyo shacabka Tigreega oo burbur xoogan soo gaaray.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.