Horjoogaha Butlaan Siciid Deni ayaa xukuno u jaray siyaasi iyo odayaal kahor yimi siyaasada uu ku wado gobolka. Maxkamad dhoodhoob ah oo ka dhacday Boosaaso ayuu u jaray xukuno kala duwan oo kan ugu dheeri yahay laba sanno iyo kun doolar oo ganaaxa. Horjooge Siciid ma qaato doolar waxaan ahayn ayuu yiri Cali Calasow.
Siyaasiga uu xukunka sadexda bilooda ku ridey ayaa lagu magacaabaa Muuse Cali Jaamac oo loogu daray 500 oo doolar oo is furasha ah. Waxa kale oo xukunkaas la qaba nabadoonada kala ah Cabdillaahi Yuusuf Buuxe iyo Cawad Aadan Maxamed.
Halka nabadoonada kala ah Cabdicasiis Baydhabo iyo Maxamuud Aadan Rooble ayagana uu hoosta u geliyay laba sanno iyo 1000 doolar oo faqada.
Dembiga ay galeen ayaa lagu sheegay inuu ahaa kicin dadweyne iyo aflagaado ay u gaysteen horjooge Siciid Deni.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay