07/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Horjooge Siciid Deni oo xabsiga dhigey siyaasi diidey arimo socda

Horjoogaha maamulka Butlaan Siciid Deni ayaa markale xabsiga u taxaabay siyaasi Muuse Cali Jaamac oo diideyarimo badan oo ka socda Boosaaso. Waa m,arkii labaad ee horjooge Siciid Deni uu jeelka u taxaabay Muuse Jaamac.



Siyaasiga iyo Odayaal kale ayaa Jimciii la soo dhaafay waxaa ay dhaliilo kala duwan u jeediyeen horjooge Siciid Deni, waxayna xalay ku hoydeen jeelka magaalada Boosaaso.



Bishii Oktoober ayay ahayd markii Muuse Jaamac uu xirey horjooge Siciid Deni wuxuuna jeelka ku jirey sadex habeen. Siyaasi Muuse Jaamac ayaa sheegay in Siciid Deni wareejinayo meelaha ugu uhiimsan gobolka Bari sida madaarka, korontada iyo maxjarka xoolaha.



Horjoogaha maamulada Butlaan iyo Somalilaan ayaa can ku noqdey jeelka ay dadka ku guraan.#

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS