Waxa welli ka socda magaalada Garoowe shir u dhexeeya dawlada dhexe iyo qaar ka tirsan maamulada hoostaga. Shirkan oo aan loo dhameyn ayaa wararku waxay sheegayaan in qodobada laga hadli karo oo koobnaa maadaama shirka joogeen sadex qabiil kaliya, guud ahaan Siciid Deni iyo Axmed Madoobe iyagu ka soo horjeesteen qodobada qaar.
Waxa shirku u badnaa qodobo ay dawladu wadatey iyo kuwo mijo-xaabina oo ay wateen sadex horjooge oo laba ka mida sida Xaaf iyo Axmed Madoobe ayna ku taagneyn lugo adag doorashana ku soo fool leedahay.
Horjooge Xaaf oo isagu tegi karin Cadaado ayaa sheegay in uu Nayroobi ku deg degsan yahay kadib markii laga diidey inuu mudo kororsi u sameeyo Dhuusamareeb. Axmed Madoobe ayaa isna marmarsiiyo ka dhigtey in qorshaha aan laga talogelin ayadoo la ogyahay in hay’adda dastuurka ay mu jiraan jufooyinka oo dhsn.
Madaxda dawlada iyo kuwa maamulada ayaan ka hadli karin maqaamka Muqdisho oo hadda haysata magaca caasimada dalka laakiin haddii isbedel lagu sameeyo wax u dhimi karta wadajirka dalka maadaama dadka degan iyo ummada Somaliyeedba dareemi karto in caasimadii qolo sheegatay halki ay ahayd in caasimada cidkasta madax ka noqon karto.
Shirarkan ayaa gebi ahaantoodba ah waqti lumis aan wax ka bedelayn nolosha qofka caadiga ah ee Somaliga maadaama qorshahan hadda lagu socdo aanu gebi ahaanba ahayn mid Soomaalidu markii horeba keensatay.
Dawlada ayaan welli si rasmiya uga hadlin shirkii aan loo dhameyn ee mudada tobanka cisho ku dhaweyd ka socdey Garoowe oo markii horeba ahaa mid dawlada gacabra ku wadan. Dadka Muqdusho degan ayaa iyagu qaba inay qalad tahay in madaxdu tagto Garoowe.
C/llashi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay