X

Horjoogeyaasha gobolada qaar oo markale diidey codsigii madaxweynaha ee la kulanka

Horjoogeyaasha gobolada qaar oo markale diidey codsigii madaxweynaha ee la kulanka. War ay saxaafada siiyeen ayay ku sheegeen sadexda horjooge inay qaadaceen kulanka uu ku baaqay.


Maaha markii ugu horeysay ee sadexda horjooge ay diidan baaqa madaxweynaha ee ku aadan in murankooda soo hordhiogaan si loo xaliyo. Sadexdan horjooge ee Cabdiwelli Gaas, Axmed Madoobe iyo Shariif Sakiin ayaa doorasho ku socotaalabo ka mida.

Xildhibaan  Idiris Cabdi Dhakhtar ayaa isna codsadey in maxkamsd la soo taago xildhibaanada ka soo jeeda Koofur galbeed ee shegay in dawladu hub gaysay Baydhabo.


Xildhibaanka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka codsaday in xildhibaanada dowladda dhexe ku eedeeyay in hub ay u dirtay Koonfur Galbeed dad lagu dilay in maxkamada lala tiigsado ayna la yimaadaan cadaymaha ay haayaan.

Xildhibaanada ayaa ka faaiideysta fowdada awood la’aaneed ee ka jirta dalka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.