X

Waa in cunaqabatayn la saaraa wahaabiyada Sucuudiga

Waa in cunaqabatayn la saaraa wahaabiyada Sucuudiga waa hadalkii xildhibaan ka tirsan Turkiga iyo xildhibaan kale oo ku jira dawlada Maraykanka. Hadalka labada xildhibaan iyo aduunka intiisa kale ayaa qaba in falkii ugu dambeeyay aanu ahayn mid la liqi karo.


Wahabiyada Sucuudiga ayaa si xun ugu xasuuqey Turkiga weriye Jamaal Khasooqi oo ilaa hadda ay diidan yihiin in ay keenaan meydkiisa. Waxa kale oo ay diideen inay gacanta Turkiga u soo geliyaan 18 (sideed iyo tobankii) fuliyay dilka Jamaal.

Xildhibaan Rand Paul oo Maraykanka ah ayaa sheegay in wax badan Wahabiyada loo ogolaadey inay xasuuqaan shacabka Yaman, argagixisana ku faafiyaan dalalka jaarka.


Xildhibaanka Tuirkiga ayaa isnas sheegay in Sucuudigu Yuhuuda siiyo lacagta ugu badan ee ay ku xasuuqaan Falastiinta.

Xasuuqa Jamaal Khaasooqi ayaa aduunka ku soo jeediyay Wahaabiyada Sucuudiga oo aduunka Muslimka ah ku faafiyay caqiisdo diinta Islaamka.

Yuhuuda ayaa sheegtay in Sucuudiga ka iibisay qalabka basaasnimada oo gaaraya 250 milyan oo doolar. Waxayna sheegeen in ay tahay qalabkii ugu badna ee Yuhuudi ka iibiso dal carbeed. Yuhuuda ayaa xiriir wanagsan la leh Sucuudiga.

Intaas Yuhuudu Kuma joogin waxay kaloo Sucuudiga ka iibiyeen gantaalada loo yaqaan BIRTA (sawirka sare) ee Yuhuudu uu ka caawiyay Maraykanku ee lagu dagaalamo gantaalada kale.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.