Horjoogeyaasha kooxda gaaleynta Muslimiinta ee sanadkii hore ummada laga qabtey. Kooxda gaaleynta Musliminta ee leh magacyada badan ayaa kaliya diintoodu tahay dadinta dhiiga ummada Somaliyeed ha ahaato qof ay si qorsheysan u dilaanm qof ay masjid ku dhex dilaan iyo qof kale oo ay ku sugaan gurigiisa.
Xasuuqa ugu badan ee kooxdu ku faraxdo ayaa ah midka ay dilaan dad aad u farabadan ayago kadibna yiraa Allaahu Akbar. Waxaan ognahay inay ku quraacdaan kuna qadeeyaan kuna casheeyan dhig muslim.
Hadaba Ciidanka Qaranka ee tagta daran ee aan la rabin in uu dhismo si Somaliya lugaheeda u istaagto ayaa Shacabka Somaliyed sanadkii tagay ee 2018-ka cagta mariyay Horjoogayaal iyo maleeshiyaad dhibaato badan ku haaayay shacabka.
Horjoogayaasha ciidanka Qaranka ay dileen sanadkii tagay ayaa waxaa ka mid ahaa.
-Horjooge Cali Axmed Guure oo Ciidanka Xoogga ay ku dileen Gobalka Hiraan ee Bartamaha Soomaaliya.
-Horjooge Magaciisa lagu soo koobay Aruuriyoow oo ay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ku dileen deegaanka Araare ee Jubbada Hoose.
-Horjooge Macalin Xuseen oo Al-shabaab ay u yaqaaneen Sheekh Nuur, oo madax u ahaa Maleeshiyo loogu talagalay inay si gaadmo ah ku dilaan Shacabka Muqdisho.
-Horjooge Sayid Abuukareey oo dhibaato badan ku haayay Shacabka oo Ciidanka ammaanka ugu danbayn ay ku dileen degmada Hilwaa ee Gobalka Banaadir.
-Horjooge Xuseen Macalin oo Al-Shabaabka dhexdiisa loogu yeeri jiray Mujaahid Subeyr oo Ciidanka Qalabka sida ee Xoogga dalka ay ku dileen magaalada Marka.
Inta la ogyahay in ka badan kun maleeshiyaad iyo horjoogayaal argagixisada ah ayay Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya sanadkii tagay ee 2018-ka ku laayeen Howlgalo ay ka sameeyeen deegaano kala duwan oo ka tirsan dalka.
Bishii Juulaay ee Sanadkii tagay Ciidanka Qaranka ayaa howlgalo kala duwan oo ay sameeyeen bishaasi gudaheeda waxay ku dileen 87-ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab.
Bishii November Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ayaa lix howlgal oo ay ka fuliyeen Gobalka Mudug ayay ku dileen 55-ka tirsan Maleeshiyada argagixisada oo ay ku jireen Horjoogayaal aanan magacyadooda la xusin.
Howlgal socday mudo 24-saac ah oo dhacay Bishii Janaayo ayaa lagu dilay 38-ka tirsan Maleeshiyadda Al-Shabaab iyadoo hwlgalkaasi uu ka dhacay deeganada Beerxaani, Kaamjaroon, Araare iyo Jamaamme.
Sidoo kale Afar horjoogayaal ah iyo 30-ka mid ah maleeshiyaadka ma liibaanayaasha ah ee la qalday, ayaa ciidanka sida gaarka ah u tababaran ay ku laayeen degmada Jilib ee Gobalka Jubbada dhexe bishii december ee sanadkii tagay.
Warbixintii C/llaahi Warmooge qaybna xigasho radiyaha qaranka
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay