X

Horjoogeyaasha maamul goboleedyada oo eedeeyay dawlada

Horjoogeyaasha maamul goboleedyada ayaa eedeeyay dawlada. War ay ka soo saareen shir waqti lumisa oo uga socdey Baydhabo kuna baxdey tobanaan kun oo doolar ka soo qaybgalkooda iyo diyaarintisa.

Horjoogeyaashan ayaa mid kasta uu ku xiran yahay cadowga ummada Somaliyeed ama ugu yaraan ka soo qaateen xisaabaad gaara siiba Imaaraadka iyo Sucuudiga.



Warka ay soo saareen oo hal dhinaca ayay ku eedeeyeen dawlada inay la gaabisay in dalka la geliyo federal aan cidina aqoon laakiin ay sheegeen in lagu heshiiyay.

Waxay kaloo ku eedeeyeen dawlada inay la safatey hal dhinac muranka diimeed ee u dhexeeya Carabta. Ayadoo la ogyahay in dawlada Somaliya lagu qasbey inay ayaga la safato.



Shirarka noocana ee maamul goboleedyada ayaa inta badan loo arkaa waqti lumis ayagoo aan wax hawla ku soo kortdhin jufooyinka ay sheegtaan inay matalaan laakiin ku ah DULIN.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.