X

Somaliya oo markii ugu horeysay yeelanaysa nidaam isku xira adeegyada isgaarsiinta

Somaliya ayaa markii ugu horeysay yeelanaysa nidaam isku xira adeegyada isgaarsiinta sida internet-ka. Shirkada fududeynta isku xirka adeegyada internet-ka ayaa Muqdishoka dhisaysa goob u khaasa.



Dawlada Somaliya oo fududeynaysa arintan ayaa sheegtay inay dooratey goob dhexdhexaada halkii ay ka dhisi lahayd wasaarada isgaarsiinta ee magaalada Muqdisho.



“Wasaaraddu way awoodday in qalabkan lagu rakibo dhismaha Wasaaradda oo maamulkeeda aan 100% hayno, shirkadahana aan u sheegno inay ku soo xirmaan. Laakiin waxaan dooneynaa inay noqoto adeeg la wada leeyahay oo yaalla meel dhexdhexaad ah oo la wada horumariyo. Wada-tashi iyo kalsooni ayaan ku xaqiijinay waxyaabihii noo qabsoomay 12kii bilood ee la soo dhaafay, jidkaas ayaana ku sii soconeynaa,” ayuu yiri wasiirka oo intaasi ku daray in wasaaraddu soo dhoweyn doonto talooyinka ka soo bixi doona aqoon-is-weydaarsigan.



Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa ku guuleysatay ansixinta sharciga isgaarsiinta, dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo la-soo-wareegidda astaanta qaranka (dotSO). Dhismaha xaruntana wuxuu hordhac u yahay dhismaha kaabayaasha isgaarsiinta dalka oo u furan shirkadaha oo dhan.


admin:

This website uses cookies.