X

Horjoogihii Galmudug Xaaf oo mooshin kursiga looga tuurey

Horjoogihii Galmudug Xaaf ayaa mooshin kursiga looga tuurey. Xaaf ayaa marhore xukunka laga tuurey markana waa markii labaad ee xildhibaanadu isku yimaadaan oo ay qaataan talaabo sidana.


Xaaf ayaa hore u diidey in kursiga laga tuurey baneeyo kuna eedeeyay in xukun tuurista laga dambeeyo, mana soo hor fariisan golaha Galmudug.

Maamulkan ayaan gebi ahaanba jirin oo kaliya loo abuurey in dadka deegaanka lagu jahwareeriyo. Usbuucii hore ayay ahayd markii Xaaf uu Kismaayo uga qaybgalay shir uu diyaariyay Cabdiwelli Gaas iyo Axmed Madoobe oo ujeedadu tahay in lagu mucaarado dawladnimada.

Kulanka waxaa shir guddoominayey Cali Gacal Casir oo shirqool uu soo diyaariyay Xaaf dorraad isna ay sheegeen in xilka loo qaadey.


Isku soo duubaa tani waxay cadaynsaysaa in nidaamka la rabo in Somalida hoosta looga geliyo ee goboleysiga ama federaalka uu burbur mooyee waxkale faaiido u lahayn.

Xaaf ayaanan xalin karin khilaafka maamulkiisa iska daa inuu wax ka taro mida dawlada dhexe. Waxa la sugaaba waa in uu xukunka u hogaansamo iyo in kale.

Dadka badankiisa ayaa qaba haddii la rabo degaansho gobolka Galguduud in maamulka loo daayo Ahlu sunna oo ka daacada dagaalka kooxda gaaleynta Muslimiinta ee shabaab la baxdey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.