November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Horjoogihii hore ee Galmudug Xaaf oo isku soo dhiibey madaxda cusub: SAWIRO

Madaxa Galmudug oo uu weheliyo ku xigeenkiisa iyo masuuliyiin kale ayaa duleedka deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud ku soo dhaweeyay horjoogihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.



Xaaf ayaa ka soo baxay Gaalkacayo kadibna lagu qaabilay Godinlabe. Is dhiibida Xaaf ayaa ka dhigan in madaxda cusub ee maamulka ay soo xerogeliyeen dhamaan qaybaha kala duwan ee Hawiye ee mucaarad sheeganayay.



”Siyaasada Axmed Qoor Qoor ciyaarayo ayaa ah mid lagu wada Jiro waana ta keentay in horjooge kasta isa soo dhiibo ayuu yiri Cali Calasow markii horeba wax u furan ma jirin.

”Waxaan u imi Galmudug inaan ka shaqeeyo Galmudug la wada leeyayhay khilaafkuna waa fitno aan faaiido laga gaarayn ayuu yir Xaaf.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS