Intii laga xoreeyay argagixisada magaalada waxa sii kordhayay ganacsiga ka Jira Baraawe oo ah magaalo leh xeeb. Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan maamulka gobalka ayaa booqasho maalmo qaadatay ku jooga magaalada Baraawe Ee Gobalka Shabeellaha Hoose.
Guddoomiyaha oo La kulmay qeybaha bulshada ayaa sheegay in dhawaan dowlad gobaleedka Koofur Galbeed ay magaalada ka hirgalineyso adeegyadii danta guud si maamulka uu ugu howlgalo caasimadda loo Asteeyay Dowlad gobaleedka Koofur Galbeed oo ah Baraawe.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhawaan la dhisayo garoonka Diyuuradaha Magaalada Baraawe si ay u fududaadan howlaha dhinaca duulimaadka ee lagama maarmaanka u ah bulshada ku nool magaalada.
Baraawe waa magaalo Qaddiimi ah, waxa uu dhaqaalaheeda ku tiirsanyahay waxa soo saarka Badda iyadoo leh Deked ay ku soo xirtaan
Maraakiibta ganacsi.

C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
![IMG_2027[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/04/IMG_20271-300x225.jpg)







More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay