01/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Ethiopian soldiers stand near a caché of rocket propelled grenades recovered in northern Mogadishu April 23, 2008. Amnesty International accused Ethiopian soldiers on Wednesday of killing 21 people, including an imam and several Islamic scholars, at a Mogadishu mosque and said seven of the victims had their throats slit. REUTERS/Feisal Omar (SOMALIA)

Hub culus oo ku soo wajahnaa Somaliya oo gacanta lagu dhigay

Badmaaxiin u dhashay Australia ayaa gacanta ku dhigay khasnado badan oo hub ah oo ay ku jiraan ku dhawaad 2000 oo guryaha AK-47 ah iyo qoryaha fud fudud oo lagu qariyay doon kaluumeysi oo maraysay bariga dhexe.

Saraakiil u hadashay Guuto ka tirsan ciidamada Badda dalka Australia ayaa sheegay iney meel u jirta 300 oo kilomiter xeebaha dalka Cuman kasoo qabteen dooni kaluumeysi oo lagu qariyay 1989 qoriga AK-47 ah, qoryahaha fud fudud, ku dhawaad 100 gantaalada garbaha laga rido ah, 49 qoryaha daran dooriga u dhaca iyo bambaanooyinka gacanta laga tuuro.

Hubka ayaa sida la sheegay waxaa uu kusoo jeeday dalka Soomaaliya, waxaana saraakiil u hadashay dowlada Australia ay sheegeen iney u qabtaan hubkaasi maadaama Soomaaliya cunuqabateyn ay saaran tahay.

Doonida hubka lagu soo qariyay ayaa la sheegay iney kusoo wajahneyd xeebaha dalka Soomaaliya.

Taliyaha howlgalka  Admiral David Johnston ayaa sheegay in guutada loo yaqaan HMAS Darwin ay heegan adag ku jireen marka loo eego hubka ay gacanta ku dhigeen oo kusoo wajahnaa xeebaha Soomaaliya.

“Mid kamid ah ujeedooyinka ugu muhiimsan ee guutadan HMAS ugu dirnay gobolka ayaa ah iney ka shaqeyso amaanka duniada iyo la dagaalanka argagixisada caalamiga”sidaa waxaa yiri Admiral Johnston.

“Howlgalka guuleystay iyo qabashada xigtay ee hubka ee lagu qarinayay shabaagta kaluumeysiga waxay muujineysaa feejignaanta amaanka gobolka”ayuu hadalkiisa kusii daray.

Guutada gacanta ku dhigtay hubka oo ka tirsan ciidamada Badda Australia ayaa la sheegay iney qeyb ka yihiin ciidamo gobolka leeyahay oo ka hortagaya waxay ugu yeereen wax isku gudbinta argagixisada, burcad badeeda iyo dhoofinta waxyaabaha maanta dooriyo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS