X

Hubkii lagala baxay xeradii Imaaraadka oo lagu iibsanayo suuqyada Muqdisho: SAWIRO

Hubkii lagala baxay xeradii Imaaraadka ayaa lagu iibsanayaa suuqyada Muqdisho. Hubkaan oo askartii la baxdey iyaguna la maqan yihiin ayaa lagu arkey suuqyada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo oo shalay booqdey xerada ayaa ugu baaqay askarta maqan inay dib u soo laabtaan oo aan ilaa hadda dembi loo haysan.



Hubka dawlada la siiyo ayaa badanaa ay iibsadaan askar gaajaysan kadibna iyaga dib loogu dilaa marka hubkaasi gacanta u galo argagixisada shabaab.

Dadkan hubka iibsanaya ayaa la sheegay inayna ka qabin wax cabsi ah. Ganacsatada Suuqyada Magaalada Muqdisho ku iibineysa Hubka ayaa waxa ay markoodii hore qiimo jaban Hubka uga soo iibsadeen Askar ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka, waxaana Qoryaha ku dul qoran (SO XDS-2017).



“Annaga Hubka waxaan ku dhex iibinaa Suuqa gudihiisa, markiisa hore waxaan ka iibinay Ciidanka xoogga dalka, waliba qiimo jaban, hada annaga ayaa u madax banaan xoolaheena, waana iibineynaa,” Ayuu yiri Jaamac Cali oo u waramay saxaafada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 


admin:

This website uses cookies.