10/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Ictiraaf uma hayno Somaliland hala xaajoodaan Koofurta: Afhayeen u hadley Ingiriiska

Kadib waraysi uu bixiyay wasiirka maamulka Somaliland u qaabilsan arimaha dibedda Sacad Cali Shire kuna sheegay in ka bixitaanka Ingiriisku ka baxayo Yurub ay sahleyso ictiraafka Somaliland ayaa jawaab deg deg ka helay Ingiriiska.

Afhayeen u hadlay wasaarada arimaha dibedda qaybta barwaaqo sooraanka ayaa beeniyay in Ingiriisku ictiraaf u hayo maamulka Somaliland laakiin buu yiri ay ictiraafka ka raadsadaan Koofurta Somaliya.

Maamulka Somaliland ayaa muddo sheeganayay in ay ka go’een Somaliya inteeda kale oo iyaduna iska burbursanayd dawladna ka jirin. Waxayse rajaynayeen in Ingiriisku icitiraafo inta Somaliya inteeda kale qasku ka jiro.

Ingiriiska oo dhul Somaliyeed hoos geeyay Itoobiya marnaba diyaar uma ah in uu markale soo farogeliyay arimaha Somaliya, waliba xilli dawlada Somaliya ay muujinayso dhaqdhaqaaq kooban.

Ingiriiska ayaa danta hadda uu leeyahay ay tahay in uu qaybtiisa ka helo dhaqaalaha farabadan ee Somaliya leedahay.

Fikirkan qaldan ee ah Ingiriis ka baxay Yurub ayaa na aqooonsanaya ayaa u muuqda in uu halkaa ku dhamaadey. Shakise kuma jiro in Ingiriisku la shaqeeyo maamulka Somaliland una tilmaamo halka ictiraafku ku jiro.

yr

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS