November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Idaacada waqtigeedu dhacay ee BBCSomali oo raaligelin ugu tagtey maamulka Somaliland

Idaacada waqtigeedu dhacay ee BBCSomali oo raaligelin ugu tagtey maamulka Somaliland oo ka cawday in ay run ka sheegeen laakiin iyagu u qaba in ay  been sheegeen.

Idaacadan waqtigeedii dhacay ayaa wali laga dhegeystaa baadiyaha dalka Somaliya oo aanu gaarin casriga internet-ka. Idaacadan ayaa qayb weyn ka qaadatay burburka dalka iyo isku dirka Somalida dhexdeeda.

Idaacadan ayaa mujaahiliintii SNM ku sheegi jirtey dagaalyahano iyo mujaahidiin waxase dad badan ku qosleen xilli ay sheegeen in SNM qabsatey Boorama xilli dawladii wali dhisneyd.



Xilligaas oo loo bixiyay Been Been Sii. Idaacadan BbcSomali oo Ingirisku leeyahay kuna hadasha afka dawlada Ingiriiska faafisana beenta iyo borobagaandada Ingiriiska kana dhaadhicisa fikirkooda iyo mabaadiida Ingiriiska dadka Somalida ah ee aan awoodin in warka iska shandheeyaan ayaa taageero kaliya ka hesha gooni goosadka ay taageeraan.

Idaacadan ayaa maamulka Somaliland hore ugu sheegi jirtey jamhuuriyada is magacowday oo ah magaca saxda ah laakiin hadda ugu yeerta dawlada Somaliland iyadoo halkaasi aanu ka jirin wax dawlad la yiraa iyo kala dambeyn.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS