X

Igwadoor oo dhiibtey mulkiilihii shirkada Wikiliiks Asanje

Dawlada Igwadoor ayaa dhiibtey mulkiilihii shirkada Wikiliiks ee ka qaylisiisay  Maraykanka iyo wadamada Yurub qaar kadib markey dibedda soo dhigeen shirqoolo Maraykanku ku qaso aduunka badankiisa iyo weliba munaafaqnimo ay ku dhaqmaan Carabtu.


Asanje ayaa falay safaarada Igwadoor ee magaalada London halkaas oo uu ku jirey muddo 7 sano ah oo booliiska Ingiriiska kaga baxdey malaayiin doolar ilaalintiisa.

Booliiska Ingiriiska ayaa sheegay inay qabteen Asanje oo ka soo baxay safaarada Igwadoor markii safaaradu u sheegtay inuu ka baxo guriga uu ku jirey 7-da sano.


Wadamada Maraykanka iyo Iswiidhan ayaa diyaariyay kiisas ka dhana Asanje oo runta qarxiyay, ayadoo maleegay eedo ay ku jiraan dumar ay lacag siiyeen si ay kufsi ugu eedeeyaan Asanje.

“Xoriyadii ayaa meel looga dhacay waana maalin madow ayuu yiri Edhwadh Snowdan oo isagu qarxiyay sirta ugu weyn ee basaasnimada Maraykanka haddana ku nool Ruushka kana gubtey munaafaqnimada lagula kacay Asanje oo u hadla dadka dulman.

Qabashada Asanje ayaa timi markii Igwadoor oo rabta lacag inuu siiyo Tram ay go’aansatey inay kala noqoto magangelyada ay dawladii hore ee Igwadoor siisay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWES

 

admin:

This website uses cookies.