Wednesday, June 26th, 2019
header

Igwadoor oo dhiibtey mulkiilihii shirkada Wikiliiks Asanje

Dawlada Igwadoor ayaa dhiibtey mulkiilihii shirkada Wikiliiks ee ka qaylisiisay  Maraykanka iyo wadamada Yurub qaar kadib markey dibedda soo dhigeen shirqoolo Maraykanku ku qaso aduunka badankiisa iyo weliba munaafaqnimo ay ku dhaqmaan Carabtu.



Asanje ayaa falay safaarada Igwadoor ee magaalada London halkaas oo uu ku jirey muddo 7 sano ah oo booliiska Ingiriiska kaga baxdey malaayiin doolar ilaalintiisa.

Booliiska Ingiriiska ayaa sheegay inay qabteen Asanje oo ka soo baxay safaarada Igwadoor markii safaaradu u sheegtay inuu ka baxo guriga uu ku jirey 7-da sano.



Wadamada Maraykanka iyo Iswiidhan ayaa diyaariyay kiisas ka dhana Asanje oo runta qarxiyay, ayadoo maleegay eedo ay ku jiraan dumar ay lacag siiyeen si ay kufsi ugu eedeeyaan Asanje.

“Xoriyadii ayaa meel looga dhacay waana maalin madow ayuu yiri Edhwadh Snowdan oo isagu qarxiyay sirta ugu weyn ee basaasnimada Maraykanka haddana ku nool Ruushka kana gubtey munaafaqnimada lagula kacay Asanje oo u hadla dadka dulman.

Qabashada Asanje ayaa timi markii Igwadoor oo rabta lacag inuu siiyo Tram ay go’aansatey inay kala noqoto magangelyada ay dawladii hore ee Igwadoor siisay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWES



 

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Sucuudiga oo sheegay in xoolo aan marin dawlada dhexe aanu qaadan karin

June, 26, 2019
Sucuudiga ayaa warbixin ka soo saaray xoolaha dalkiisa ...

Safiiro cusub oo dhiibtey waraaqahooda danjirenimo: SAWIRO

June, 25, 2019
Madaxweynaha Somaliya ayaa waraaqaha danjirenimo ka gudoomey safiiro ...

Xasan Cali Kheyre oo sheegay inuu dhisayo Galmudug xilli Xaaf geed lagu xirey: SAWIRO

June, 25, 2019
Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in ...

Madaxtooyada Somaliya oo beenisay inuu jiro shir ay la galeen maamulka Somaliland

June, 25, 2019
Madaxweynaha Somaliya ayaan la sheegin inuu wefti u ...

Berbera oo laga masaafuriyay nin Somali badan gaaleeyay

June, 24, 2019
Waxa magaalada Berbera ee maamulka Somaliland laga masaafuriyay ...

Dhacdooyinka

Caasimada Itoobiya oo si qayra caadiya loogu soo baxay ciidii: SAWIRO

June, 9, 2019
Caasimada Itoobiya ayaa si qayra caadiya ciidan loogu ...

Madaxweyne Erduqaan oo ka qayb galay arooska ciyaaryahan asalkiisu yahayTurki : SAWIRO

June, 8, 2019
Madaxweynaha Turkiga Erduqaan ayaa ka qayb galay qayb ...

Abwaan reer Awdala oo lagu dhacay 18 May oo hees u tiriyay reer Awdal

June, 7, 2019
Abwaan Ibrahim Muumin Nuur (Liiro) ayaa ka hadley ...

Muslimiinta caalamka oo maalintii labaad ciidaya: SAWIRO

June, 5, 2019
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya iyo guud gobolada ...

Hal-abuure ka qayliyay xarun Hargeysa ku taal oo dhaqano cusub lagu faafiyo

June, 1, 2019
Hal-abuure jooge magaalada Hargeysa,ayaa ka qayliyay xarun loo ...

Iiraan oo soo saartey goob dhulka hoostiisa oo gantaaluhu u yaalaan

June, 1, 2019
Iiraan oo dagaal markadta ula diyaata Yuhuuda, Maraykanka ...

Naftood haligeyaal Liibiya ku sugnaa oo Somali ku jirto oo Talyaanigu qaaday: SAWIRO

May, 31, 2019
Naftood heligeyaal Somali ku jirto ayaa hay'ad qaxooti ...