November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Iiraan oo daboolka ka qaaday gantaalo daadsan dhulka hoostiisa

Ciidanka difaaca Iiraan ayaa daboolka ka qaaday gantaalo maca wata gawaadhidii qaadi lahaa oo daadsan dhulka hoostiisa gaar ahaan deegaanada ku dhow xeebaha ay la wadaagto Cumaan iyo Carabta kale. Gantaaladan dhulka hoostiisa ayayna awoodin diyaaradaha Maraykanku inay duqeeyaan.



”Gantaalada halkan yaalaa cadowgu ma soo gaari karo, waxayna gaarayaan kumanaan kiilomitir ayagoo ka baydhaya xarkaha elektrooniga ah ee cadowga ayuu yiri sarkaal u hadlay ciidanka difaaca Iiraan.



Maaha markii ugu horeysay ee Iiraan ay soo bandhigto gantaalo yaala dhulka hoostiisa, kuwanina waxay uga duwan yihiin ayagoo ah nooca xawaaraha dheereeya iyo xataa kuwa lagu difaaco badda.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS