X

Iiraan oo gantaal ka nixiyay Yuhuuda iyo Taram u dirtey hawada

Garabka ciidanka jamhuuriga ee dalkaasi Iiraan ayaa shaaca ka qaaday inay hawada u ganeen gantaal milatari maanta oo Arbaca ah. Gantaalkan ayaan welli faahfaahin laga hayn laakiin Iiraan ayaa sheegtay inuu gaaray duuley ilaa 425km oo ah masaato dheer. Gantaalkan oo Iiraan u bixisay Qaasid ama Fariin ayaa ah nooca leh labada motoor.


Haddii Iiraan ku guulaysayto in gantaalkani gaaro halkii loogu talogalay oo ah hawada sare, waxay tani walaac weyn ku abuuraysaa Yuhuuda iyo Taram, ayadoo aan ognahay in gantaalada Iiraan haddaba gaaraan Yuhuuda iyo wahaabiyada Sucuudiga.


Waa gantaalkii labada ee Iiraan u dirto hawada inkastoo kii hore ee ay dirtey bishii labaad ee sanadkan aanu gaarin halkii loogu talogalay. Iiraan ayaa xilligaa sheegtay in xawaaraha gantaalku uu yaraa taasina ugu wacneyd in aanu gaarin hawada sare.

Si kastaba ha ahaatee waxa Iiraan hawada sare saartey gantaalkan oo Yuhuudu durba qaylodhaan ka dirtey maadaama isla tiknoolajiyadaa loo isticmaali karo gantaalo gaari kara Maraykanka.

“Maanta waxaan cadowga ka daawan doonaa hawada sare, waxay muujinaysaa awooda Iiraan ka gaartey sirdoonka iyo is gaarsiinta ayuu yiri madaxa ciidanka jamhuuriga oo iyagu direy gantaalkan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.