X

Kufsi iyo dil laga argagaxay oo lagula kacay gabadh deegaan u dhow Lughaya

Deegaan u dhow degmada Lughaya ee gobolka Awdal ayaa nin isugu daray gabadh kufsi iyo dil laga argagaxay. Ninkan dilka foosha xun gaystay ayaa hadda lagu hayaa jeel ku yaala degmada Boorama. Lama garan karo in gabadhaasi heli doonto cadaalada ay u qalanto.


Sida ay hooyadeed ku warantey gabadha kufsiga iyo dilka argagaxa leh uu ninkani kula kacay oo lagu magacaabo jirey Shukri Yuusuf Xuseen, ayaa xaabo loo dirtey xilliga ninkani ku soo boodey. Hooyo way soo dhaweyd xilliga waxani ku dhacay.

”Markii uu kufsaday kadib ayuu haddana ku jarjaray gudin, ilaa laga garan waayo jirkeeda ayay tiri hooyo Xaliimo Muuse Gorod. Waxa qoyskan meel degan bu’da miyiga isla dhacdadaa kadib la waayay xoolihii yaraa ee ay haysteen.


”Xataa magaalo ma soo gaari karaan waayo tamar dhaqaale ma jirto. Ninkan falkan gaystay ayaa ku jira jeelka Boorama lamana garan karo xilli la marsiin doono cadaalada.

Wiilka ay walaalo yihiin gabadha sida foosha xun loo diley ayaa sheegay in ta keliya ay qanci karaan ay tahay in qoorta loo dheereeyo ninkaas si aan u samirno ugu yaraan.

Maxame Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.