November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Iiraan oo iska dishey 19 shaqaale markab dhaawacdayna 15 kale kadib gantaal

Ciidanka badda ee Iiraan ayaa sheegay in shil gantaal ay ku dhinteen 19 shaqaale markab halka 15 kalana ku dhaawacmeen markii gantaalka lagula dagaalamo maraakiibta uu dhacay kahor xilligii loogu talogalay.



Shilkan ayaa ka dhacay xeebta gacanta Cumaan soona xigta dhinaca Iiraan. Xilliga shilkani gantaal dhacayay ayaa ciidanka badda ee Iiraan wadeen dhoolattus milateri.

”Inii lagu jirey diyaarinta bartilmaameed macmala ayaa si aan ilaa hadda la garanayn uu u dhacay mid ka mida gantaalaha lagula dagaalamo maraakiibta kaas oo ku dhacay markab diyaarinaayay macmalka aya lagu yiri qoraal soo baxay.



Iiraan ayaa xoojisay ciidankeeda badda ayadoo wacad ku martey inay dejiso markabki isku daya inuu xoog ku soo galo ama weerar ka soo qaada badda Carabta. Dhjoolatusyada noocana ayaa joogta ah ayadoo ciidanku diyaariyo maraakiib waaweyn oo la mida kuwa Maraykanku wato.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS