28/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Iiraan oo jawaab kulul siisay Yuhuuda

Taliyaha ciidanka badda ee Iiraan ayaa jawaab kulul siiyay Yuhuuda oo kibir awgeed sheegtay inay xanibi doonto maraakiibta shidaalka sida ee maraya badda caalamka. Yuhuuda ayaa leh ciidan badeed yar oo ku filan kaliya inay difaacado badda yar ee ay xooga ku haysato



Yuhuudiga Netanyahu ee hadda lagu soo oogey musuq masuq jyo wax is daba marinta ayaa sheegay in dalkiisu xanibi doono markaakiibta shidaal ee Maraykanku saaray cunaqabataynta inkastoo aanu sheegin siday u xanibi doonaan.



Usbuucii hore ayay ahayd markii Maraykanku keenay Yuhuuda hubkiisa difaaca cirka kan ugu casrisan ee uu isku halaynayo si buu yiri ay ugu tijaabiyaan gantaalada ka imaanaya Suuriya iyo weliba u difaacaan Yuhuuda haddii ay dagaal la galaan Iiraan.

Sawirka hoose waa gantaalada Maraykaku keenay Yuhuuda

Taliyaha ciidanka bada ee Iiraan ayaa sheegay in Iiraan isku filan tahay inay difaacato maraakiibteeda ayna dhirbaaxo kulul gaarsiin doonto haday Yuhuudu isku daydo inay wax u dhinto maraakiibteeda shidaal.



Yuhuuda ayaa la sheegay inay isticmaali doonaan badda cas qaybta Sucuudiga iyo biyaha gacanka Iiraan dhinaca Sucuudiga. Waxa la sugaa in Yuhuudu ku dhacdo iyo in kale.

Iiraan ayaa leh ciidan badeed awoodleh una babac dhigi kara ciidan kasta oo soo weerara.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABIBEWS