Madaxweynaha Turkiga ayaa ka qayb galay dabaaldega guusha ee dalkasi Asarbajaan uu uga guulaystey Armiiniya. Dabaaldega ayaa lagu soo bandhigey hub casriya ay ku jiraan gantaalo iyo weliba qalab milatari oo Armiiniya ka cararatey.
Madaxweynaha Turkiga oo ka hadlay xaflada dabaaldega ayaa gabay uu ka tiriyay goobta waxa ka xanaaqday Iiraan oo gobol dhan oo dalkeeda ah ay degan yihiin shacbiga Asarbajaan.
Dagaalkii boqortooyadii Beershiya iyo Ruushka sanadihii 1820 kii ayaa heshiis lagu gaaray in Beershiya (Iiraan) faraha ka qaado dhul aad u balaadhan oo ay ku jirto Asarbajaanta xorta, Armiiniya, Joorjiya oo Soofiyeetkii hore ah iyo gobolka Dhajastaan ee Ruushka ka tirsan.
Waxana xadka lagu kala jaray shacabka Asarbajaan oo hadda kala ah Asarbajaanta saxda ah iyo 3 gobol oo iyagana loo yaqaan Asarbajaan oo ku yaal Iiraan oo ay degan yihiin reer Asarbajaan sida Somali galbeed oo kale.
Haddaba Dayib Erduqaan ayaa ka hadlay kala jarida shacabka Asarbajaan oo hadda webi u dhexeeyo, wuxuuna yiri waxay nagu kala jareen xoog inkastoo heshiis uu ahaa sida Iiraan sheegayso laakiin uu raaciyay inaan nala kala jari karin.
Iiraan oo ka xanaaqday hadalkaa Dayib Erduqaan ayaa wasiirkeeda arimaha dibeda ka bixiyay jawaab degdega sheegayna in hadalkaasi wax u dhimayo jamhuuriyada Asarbajaan isla markaana Erduqaan si qaldan wax loogu fasirey ee aan laga hadli karin sadexda gobol ee Iiraan ku yaal ee iyagana la yiraa Asarbajaan.
Labada wadan ayaa safiiradooda u kala jooga labada wadan ugu yeeray wasaaradaha arimaha dibeda si midba ka kale ugu sharaxo waxa dhacay. Iiraan aya dalbatey in Turkigu sharaxaad ka bixiyo waxay ugu yeertay faragelinta qaawan ee uu sameeyay Erduqaan.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS