November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Iiraan oo sheegtay in uu dakhli badan ka soo galay alaabaha ay u dhoofiso Somaliya maxayse soo dhoofisaa

Iiraan ayaa sheegtay in uu dakhli badan ka soo galay alaabaha ay u dhoofiso Somaliya xilli Xasan Sheekh la saftey Sucuudiga laguna eedeeyay in uu gatey shacbiga Somaliyeed. Sucuudiga ayaa safaarada Kiiniya soo mariyay lacag lagu qosley oo gaaraysay 20 milyan.

Waaxda wax is waydaarsiga ee dalkaasi Iiraan ayaa sheegtay in uu kordhey dakhliga ka soo galay Somaliya isla markaana kordheen badeecadaha ay u iibgeeyaan halkaasi. Waxay sheegeen in sanadkii hore dakhligu taagnaa 20 milyan halka sanadkan uu taagan yahay 30 milyan.



Badeecadaha ay Somalidu ka soo iibsadaan Iiraan ayaa u badan kuwa dhismaha taas oo muujinaysa in dhaqaalaha Somaliya laftiisu kordhayo siiba caasimada Muqdisho iyo dhamaan magaalooyinka waaweyn ee dalka.



Iiraan ayaa sheegtay in badeecadaha sida sibidhka cad, marmarka, jokulaatiga, buskudka, cusheerada ama kackaca iyo macdanaha qaar ay aad u kordheen mudada sanadka ah. Waxa kale oo kordhey daawooyinka iyo cabitaanada kala duwan.

Iiraan ma sheegin in ay Somaliya wax ka soo dhoofsadaan. Somaliya ayaa ah dal dadkiisu burburiyeen, aqoon la’aantuna aad u baahsan tahay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS