X

Iiraan oo soo bandhigtey maraakiib dagaal oo galay badda Maraykanka u dhow

Wasaarada difaaca ee Iiraan ayaa soo bandhigtey maraakiib dagaal oo ay leedahay oo galay badda gaaladu u taqaan Atlaatika ee u dhow Maraykanka. Maraakiibtan ayaa waxa ku jira kuwa wax duqeeya.


Talaabadan maraakiibta Iiraan ku galeen bad masaafo ahaan u jirta 8000 kun oo mayl waxay k adhigan tahay awooda badeed ee Iiraan ee sii kordhaysa.

Waxay kaloo ka dhigan tahay inay gantaaladeeda gaarsiin karto meesha ay rabto inta ay helayso awooda ay gantaaladeedu ku gaarayaan cadowgeeda koowaad ee Maraykanka. Halka dhinaca kale ay kula dagaalami karto maraakiibta kale inta ayna soo gaarin badda Somaliya iyo tan Carabta.


Maraakiibtan ayay sheegtay inayna mudadaas dheer ee bisha ah ayna ku hakan deked kale taas lafteeda oo ah awood kale oo dheeraada oo ay muujisay. Iiraan ayaa sii kordhisay awoodeeda badeed ayadoo dhisaysa maraakiib dagaal.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.