X

Iiraan oo u hanjabtey Ingiriiska oo markab ku xanibey badda Isbayn

Dalkaasi Iiraan ayaa sheegay in Ingiriisku ka shalay doono markab saliida oo Iiraan leedahay oo uu ku xanibay ama uu mu afduubtey badda Isbayn sida Iiraan sheegtay. Markabka ayaa la sheegay inuu ku socday dalkaasi Siiriya.


Ingiriiska ayaa iyagu sheegay in markabka ay u joojiyeen markay arkeen inuu jabinayo cunaqabataynta reer Yurub saareen dalkaasi Siiriya. Iiraan ayaa ficilkaasi ku tilmaantey mid budhcadnimo.


Ingiriiska ayaa beeniyay inay budhcad badeednimo sameeyeen. Markab la afduubto wuxuu leeyahay markab la afduubo ayuu yiri masuul u hadley ciidanka ilaalada qaranka ee Iiraan.

Aduunka xorta ah ayaa cambaareeyay ficilka Ingiriisku ku dhaqaaqay halka Isbayn sheegtay in markabkaas lafa afduubtey xeebteeda dhagaxa Jibroolta.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABKNEWS

admin:

This website uses cookies.