X

Iiraan oo wacad ku martey inay hilfaha u qaado daandaansi uga yimaada Maraykanka

Iiraan oo Khamiista dhaarinaysa madaxweynaha cusub ayaa wacad ku martey inay hilfaha u qaadi doonto cidii ku soo xadgudubta ugana digtey Maraykanka inuu ku soo dhiirado.


Digniinta Iiraan bixisay ayaa imaanaysa xilli Maraykanka iyo Yuhuuda oo is wata Ingiriisna dabada kaga jiro ay ku balameen inay iskugu tagaan maadaama midkood aanu waxba ka qaadi karin.


Xiisadan ayaa timi markii Iiraan lagu eedeeyay markab joogey gacanka Cumaan oo la weeraray kadibna ay ku dhinteen nin u dhashay Romaaniya iyo waardiye Ingiriisa. Maraykanka iyo Yuhuuda ayaanan keenin cadaymo ah inay IIraan ka dambeysay.

Xoogaga xoreynta dhulka Siiriya ayaa laga soo xigtey inay iyagu ka dambeeyeen.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.