Saraakiisha Iiraan ee ku sugan gacanka Cumaan ayaa war ka soo saaray qarax qabsaday maraakiib mid ka sharciyeysnaa dalkaasi Norwey. Saraakiisha badda ayaa sheegay in maraakiibtu gurmad dalbadeen Iiraana noqotey kuwii ka jawaabay dalabkaas.
“Waxaan soo badbaadinay 44 badmaax oo qarax ku qabsaday markabkii ay saarnaayeen, halka markabka la sheegay in gantaal ku dhacay. Lama garan karo cida soo ganay.
Cunaan ayaa iyana sheegtay in shilku ka dhacay badda Iiraan oo ay xiriir la sameeyeen saraakiisha Iiraan. Hal badmaax ayaa la sheegay inuu dhaawac soo gaaray.
Dhinaca kale Maraykanka ayaa isna sheegay inay maqleen qaraxa markabkaas oo ay sameeyeen xiriiro la xiriira arintaas. Qaraxan ayaa imaanaya xilli Maraykanku geeyay badda Hindiya markab dagaal oo ka baqeen badda Iiraan u dhow.
Telefishan laga leeyahay Iiraan ayaa sheegay inuu dhacay laba qarax. Weeraradan ayaa qiimaha saliida cirka ku shareeray.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay