X

Ilhaan Cumar oo jawaab kulul siisay xagjir Trump

Xildhibaanada laga soo doorto Minasoota ee dalkaasi Maraykanka Ilhaan Cumar ayaa jawaab kulul siisay xagjir Trump oo ugu baaqay inay iscasisho kadib markii hadal ay sheegtay ay labada xisbiba ka xanaaqeen.


Trump ayaa yiri Ilhaan ka run maaha raaligelinta ay bixisay ee waxa u fiican inay ugu yaraan iska casisho kursiga iskaashiga caalamiga ee ay xisbigeeda u matasho.


Ilhaan oo ka jawaabtey ayaa u sheegtay xagjir Trump inaan isaga oo kale talo laga qaadan karin ee uu yahay shaqsi noloshiisa oo dhan ku jirey xumeynta dadka madow, kuwa Yuhuuda ah iyo kuwa Laatiinada.


Trump ayaa rabay inuu ka faaiideysto raaligelinta Ilhaan laakiin ku fashilmey isagoo lagu yaqaan xumaan iyo cuqdad uu u qabo dadka aan cadaanka ahayn iyo masaakiinta.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.