Xilli madaxweynaha Maraykanku uu soo rogay cunaqabatayn uu sheegay inuu rabo inuu Ruushka ku dhibo ayaa hadda waxa muuqata in dhibaatada ugu weyn ay ku dhacday masaakiinta Maraykanka oo litirkii shidaalku ku gaadhay 7 doolar kuna socdo 10 doolar.
”Eeg waan taageersanahay cunaqabataynta madaxweynaha Ruushka iyo xulafadiisa laakiin ma u malaynayaa cunaqatayntan balaadhan ee aan Ruushka ku soo rogney inay isaga wax u dhimayso, MAYA waxay waxyeelo xun gaadhsiisay masaakiinta ayay tiri Ilhaan Cumar.
Baydan oo u baryo tagey Funasuwayla iyo Iiraan iyo Carabta kale si ay kor ugu qaadaan waxsoo sarka saliida iyo gaaska aya faro madhnaan kala soo noqday.
”Kuma sii socon karno siyaasadihii hore u fashilmay ayaya tiri Ilhaan oo u jeeda in madaxdi hore ay cunaqatayn saari jireen madaxda Muslimiinta ayagoo leh waxaaan rabnaa inay dadku kacaan.
Waxaad is weydiin kartaa waxa masaakiintu ku galabsadeen in miciishada lagu qaali gareeyo ayuu yiri Cali Calasow. Si kastaba ha ahaatee haddii ayna masaakiintu ka kicin, waxa miciishadu ku tagi doontaa halkii ugu saraysay.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay