25/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Ilyomar oo Yaxaas ka dafay waalidkooda oo la helay kadib markii……

Goob lagu dalxiiso oo ku taal dalkaasi Maraykanka ayaa Yaxaas ka dafay ilmoyar oo laba Jira oo ku ciyaaray meel u dhow biyo taagan kana mida dooxooyin la sameeyay oo uu ku noolyahay Yaxaasku.

Goobta ayaa waxa ku qoran haku dabaalan taas oo ah waxa ay sameeyeen qoyskan Yaxaasku ka dafay ilmohooda oo u dhawaa biyaha marka Yaxaasku dafay.

Aabaha ilmaha yar dhalay ayaa isku dayay in uu ka soo fujiyo afka Yaxaaska waxase la sheegay in isaga qudhiisa ay soo gaartey xagtino xoogan.

Yaxaaska ayaa la tagay ilmaha yar. Khubarada baadha biyaha ayaa qabtey afar Yaxaas qalayna si ay uga helaan ilmaha yar ee midkood qaatey lagamana helin.

Ugu dambeyn waxa lagu guulaystey in la helo ilmihii yaraa oo jidhkiisu dhan yahay, waxana hadda loo qaaday qaybta baadhitaanada si loo cadeeyo in uu isagii yahay.

Booliisku ma sheegin sida loo helay ilmaha yar ee jidhkiisu dhan yahay, waxayse sheegeen in ilmaha yar marhore dhintey.

Hoos ka daawo xayaysiiska kadib

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS