15/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Imaaraadka oo agabyo siyaasadeysan ka dejiyay Hargeysa iyo Boosaaso

Waxa maanta isku mar laga wada dejiyay garoomada Hargeysa iyo Boosaaso agabyo caafimaad oo siyaasadeysan oo aan laga dejin gobolada kale ee dalka. Imaaraadka oo dagaal kula jira dawlada Somaliya RABINA inayna cagaheeda ku istaagto ayaa Muuse Biixi iyo Siciid Deni u hiilisay.

Waxaad is odhan kartaa waa agabyo caafimaad oo lagu baarayo cudurka Kooro ee maxaa ka micna ah laakiin waxa xusid mudan in aan dalkoo dhan la gaarsiin waayo waxaynu ognahay inay awoodaan inay dalkoo keenaan markaad eegto lacagta ay haystaan.

Si kastaba ha ahaatee Imaaraadka ayaa hore ugu fashilmey inuu Somalida isku horkeeno kadib markii uu shilimaad siisay horgslo hadda is wada dhiibey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS