November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Imaaraadka oo balan qaaday in uu bixiyo dhaqaalaha ku baxaya dib u habaynta dastuurka bugta ah ee Somaliya

Abu dhabi–Dawlada Imaaraadka ayaa laga codsaday in ay dhamaystirto dastuurka bugta ah ee u yaala Somaliya kaas oo aan ahayn dastuur Somalidu qortey oo intiisa badana laga so guuriyay dastuurada reer galbeedka. Dastuurka oo lagu sheego in uu yahay federaal ayaa waxa wax badan ku darsaday hogaamiye jufooyin ay qaramada midoobey dooratay iyadoo ka reebtay maamul jufeedyada kale ee jiray.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Somaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen, oo ka mid ahaa wefdi uu horkacayay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo todobaadkan booqasho ku tagey dalka Imaaraadka Carabta ayaa isagu sheegay warkaasi.

Wasaaradda Cadaaladda Imaaraadka Carabta oo iyadu dalkaasi u qaabilsan arrimaha Dastuurka ayaa waxay wefdiga Ra’iisal Wasaaraha Somaliya u sheegtay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo dhameystiri doonto Dastuurka.

Hadda ka dib ayaa waxay arrimaha Dastuurka noqon doonaan kuwo si xoogan lagu dardargelinayo. Laga bilaabo bisha foodda inagu soo heyso ee May. Dhammaadka sanadkan ayaana u gudbin doonaa Baarlamaanka Somaliya si ay dib u eegis ugu sameeyan ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Somaliya.

Si kastaba ha ahaatee Xasan Sheekh iyo dawladiisa ayaa laga rabaa in ay diyaariso doorashooyin xora inkastoo ay u egyihiin kuwo hurda oo raba in sii fadhiyaan kursiga.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS