X

Imaaraadka oo dhisaya tuunbo saliida ka soo qaada Asmara kuna xirta Addis ababa

Imaaraadka ayaa dhisaya tuunbo saliida ka soo qaada Asmara kuna xirta Addis ababa, talaabo loo arkey inuu isku fidinayo gobolka. Xubin u hadley Cabi Axmed ayaa sheegay in wadahadalku welli socdo.


Imaaraadka ayaa ku faanay inuu isku soo dhaweeyay Eritariya iyo Itoobiya inkastoo la sheegay in Maraykanku qayb ku lahaa ayaa hadda rabo in uu gacan ku qabsado suuqa Itoobiya.

Tuunbadan ayay rabaan inay u isticmaalaan inay ka soo geliyaan saliida dalku isticmaalo. Itoobiya ayaa dhulka Somalida ka heshay gaas la filayo in la dhoofiyo sanadka dambe.


Imaaraadka ayaa dagaal kula jira Iiraan iyo akhwaan Muslimiinta Turkiga, Suudaan iyo Qadar. Waxay rabaan inay Wahaabiyada ku faafiyaan geeska Afrika ayuu yiri Sheekh Muxsin oo Tuuiniya u dhashay.

Itoobiya oo boqol mliyan kor u dhaaftey ayaan lahayn deked ay wax ka dhoofsato ama kala soo degto.


ā€¯Welli meel layslama dhigin ayuu yiri laakiin waxay ka mid ahayd waxyaabaha dhaqaalaha ee aan isla soo qaadney Riim Al Haashimi oo ah wasiirada xiriirka caalamiga ee Imaaraadka ayuu raaciyay xoghayaha Cabi Axmed.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.