X

Sarkaalka ciidamada Amisom oo isna ka naxay argagixisada masjid dhexdii ku dishey askari

Sarkaalka ciidamada Amisom ayaa isna ka naxay argagixisada masjid dhexdii ku dishey askari booliisa oo sujuudsan. Wuxuu is weydiiyay diinta ay haystaan. ā€¯Waxaan garan waayay diinta ay haystaan mar haddii masjidkii dhexdiisa looga fakanayn ayuu yiri Faranjeesko.


Usbuuc iyo bar kahor ayay ahayd markii argagixisadu masjid dhexdii ku dishey askari booliisa oo sujuudsan kadibna qaatey qorigii uu watey.

Waxa markii dambe la ogaadey inay duubteen oo soo dhigi doonaan muuqaal ay isku habaynayaan oo xasuuqyadii ay sameeyeena dhawaan ayagoo ku faani doona.


Argagixisada shabaab iyo kuwa la midka ah ee walaalaha yihiin ayaa Muslimiinta diinta ka saara waaana ta keentay inay masjidka dhexdiisa xataa ku dhaafi waayeen waayo waxay qabaan inay gaalo yihiin oo salaada uu tukanayaa been tahay mar hadday iyaga ka mid ahayn.


Sarkaalkan ugu sareeya ciidamada Amisom oo isagu ka naxay dhinacna ka yaabay ayaa sheegay in kooxdu marayso halkii ugu hoosaysay.

Dhalinyta ay adeegsadaan ayaa ah kuwo caqligoodu dhanayn oo xataa aqoon sida kaadida laysaga mayro diin ay haystaan daaye ayuu yiri nin ka ka tirsanaan jirey kooxda oo hadda ka soo cararay.

Sarkaalkan Amisom ayaa wacad ku maray in inta Amisom joogto ay Somalida kala shaqayn doonaan sidii masaabadan loo tirtiri lahaa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.