X

Imaaraadka oo lagu helay inay hubeeyaan maamulada dalka ka jira: WARBIXIN

Imaaraadka ayaa lagu helay inay hubeeyaan maamulada dalka ka jira. Dawlada Imaraadka Carabta oo ku naaxdey saliida laga helay dalkeeda ayaa ku jimicsata Somaliya oo iyadu isburburuisay.

Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in dowladda Imaaraadka ay si sharci daro hub uga iibisay maamulada dalka ka jira Qaarkood ,taasina ay jabinayso cunaqabeynta hubka ee Saaraan Soomaaliya



Kooxda dabagalka u qaabilsan Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ay hayaan Cadeymo ku saabsan hubka ay dawladda Imaaraadka ay siisay maamulada dalka ka jira.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in taageerada Imaaraadka ee maamulada qaar ee Soomaaliya ay horseedi karto in ay timaato kooxo awoodo is bidaya oo diidan dawlad soo celinta taasina ka soo horjeedo dawlad dhisida dalka ka socota.



Warbixinta ayaa lagu xusay in Markab ay leeyihiin Ciidamada Midowga Yurub uu gacanta ku dhigay Markab laga soo raray dalka Imaaraadka oo loo waday mid ka mid ah maamulada dalka ka jira.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in uu sharci daro uu yahay saldhigga dawladda Imaaraadka ee Berbera, islamarkaana uu khatar ku yahay ammaanka Soomaaliya.

Maamulada ay hubka siiso ayaa waxa ka mida Somaliland iyo Puntland ayadoo maamulka Jubba ka maqneyn. Hubka ayaa inta badan ka soo dekedaha ayna dawladu maamulin.

Cunaqabataynta hubka ee laga khafiifiyay Somaliya ayaa dhigaya in hubku ka soo degi karo oo kaliya dekedaha dawladu gacanta ku hayso.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wararku sheegayaan inuu markale u socdo Imaaraadka si uu ugala hadlo arimo badan oo khuseeya danaha Somaliya iyo Imaaraadka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.