Waxa dekedda Berbera ee Carabtu maamusho dib Imaaraadku ugu soo celiyay xoolo aad u farabadan oo dalkooda gaaray taas oo weji-gabax ku noqotey Muuse Biixi oo xoolo dhaqatadau sheegay xooluhu waa u fasaxay yihiin Imaaraadka ayuu yiri Xuseen Warsame.
Xoolaha Carabta Imaaraadku dib u soo celisay ayaa gaaraya 3000 iyo lix boqol oo neef halka 1500 oo neef Ku dhex dhinteen markabka daryeel xumo.
Xoolaha ayaa la marsiiyay dariiqa caafimaadka, waxase aan la garanayn sababta loo soo celiyay. Xoolaha dalka waa inay sitaan shahaadada wasaarada caafimaadka ee dawlada dhexe waxase muuqata in Muuse Biixi ka boodey taasna khiyaano ku tahay dadka masaakiinta ee xoolaha leh.
“Waa nasiib daro iyo maamul xumo sida masaakiintaaas Muuse Biixi cidlada u direy meel ay u raacaan hantidoodana maleh ayuu yiri Xuseen Warsame. Siyaasi Ka ag-dhow Muuse Biixi oo diidey in magaciisa sheego ayaa sheegay in talaabada Imaaraadku ay weji-gabax Ku tahay Somalilaan waayo Imaaraadku was laba wejiile.
Warbixintii Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS