Imaaraadka oo xilli Somalidu abaarsan tahay raashin istusa geeyay madaxtooyada Kiiniya
Raashiinkan oo lagu sheegay inuu yahay illaa 150 tan ayaa safiirka dalkaas waxaa madaxtooyada kaga guddoomay madaxweynaha dalka Kiiniya Uhuru Kenyatta, sida ka muuqda sawirro uu baahiyey taleefishinka CGTN Africa.
Waxaa xusad mudan in abaarta ku dhufatay Soomaaliya ay boqol mar ka darran tahay kana xanuun badan tahay tan Kenya, mana jiraan wax gurmad ah oo Imaaraadka ay illaa iyo hadda lasoo gaareen Soomaaliya.
Imaaraadka ayaa faro-gelin kusoo sameeyeey Soomaaliya wixii ka dambeeyey markii Turkiga usoo gurmadeen dalkeena, taasi oo dad badan ay u arkeen inay tahay inay doonayaan in Turkiga ka saaraan Soomaaliya oo aanay dhab ka ahayn inay gacan qabtaan Soomaalida.
Wixii markaa ka dambeeyey waxay ku dhex milmeen siyaasadda Soomaaliya, taasi oo caddeyn u noqotay in dantooda ay u joogaan Soomaaliya oo aysan dan Soomaaliyeed ka shaqeyneyn.
Sawirrada cusub ee dalka Kenya kasoo baxay ayaa ah caddeyntii ugu dambeysay arxan-darrada Imaaraadka, oo walaalahooda muslmiinta Soomaaliyeed abaarta ku dhufatay aan ka damqan balse raashiin is-tustus ah ula orday Kiiniyaatiga.


C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay