X

Imisa dal ayaa weerar ku ah dawladnimadeena?

Carabta sida Sacuudiga iyo Imaaraadka iyagu waxay bilaabeen inay lacag nagu iibsadaan 2018 markii ay is hayeen Qadar, waase diiday madaxweynaha inuu lacag ku gato dawladnimada. Intii ka dambeysay waxay bilaabeen sidii ay u mijoxaabin lahaayeen dawladnimada.


Talaabooyinka ay qaadeen ayaa ahaa inay hor joogsadaan in Carabtu lacag siiso siiba inta iyaga hoos timaada iyo inay ku xidhaan maamul jufeedyada qaarkood sida Butlaan, Somalilaan iyo Axmed Madoobe oo Kiiniya hoostaga.


Waxa intaas dheer waxa madax banaanida dawlada madaxweyne Farmaajo ka cadhaysiisay kooxda Xalane degan oo iyagu qora waraaqaha ay ku sheegaan ”beesha caalamku” waxay tiri.

”Ka yeeli mayno in maamul aan gacanta ku hayno uu sidaa noola dhaqmo ayuu yiri wasiirka arimaha dibedda ee Maraykanka oo sheegta inuu hormuud u yahay beesha caalamka. Dabcan waxay rabaan maamul iyaga hoos yimaada oo aan dalka faaiido ugu jirin.


Marka Somaliya kor u kici mayso haddayna helin dawlad danta dalka ka shaqaysa lehna arimo dibadeed xora xitaa haddii dadku dooga cunaan.



Taas ka sokow waxa jira cadowyada soo jireenka ah sida Kiiniya iyo Itoobiya inkasta oo Itoobiya isbedelka ku yimi aanu faaiido mooyee khasaare u keenin dalka.

”Kiiniya waxay dabada ku wadataa gaal oo dhan ayuu yiri Cali Calasow.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.