X

Kooxda Xalane oo qorshaynaysa inay qabsadaan doorasho aanu ku jirin!!

Wararka aanu ka helayno xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxdaasi oo sheegata magaca ”beesha caalamka” ay qorshaynayaan inay qabsadaan doorasho aanu ku jirin madaxweyne Farmaajo. Xogtan ayaa sheegaysa in go’ankaasi la qaatay markii Aadan Madoobe la doortey.


Aadan Madoobe oo durba loo bixiy magaca Aadan Musuq asagoon kursigaba fadhiisan ayaa go’aan keligii ah ku sheegay inuu la saftey dhinac xildhibaanadii gobolka Gedo kadib markii uu la kulmay safiirka Imaaraadka.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa ku kala jabnaa cida saxda ah ee soo geli karta golaha shacabka, waxana afhayeen Aadan Madoobe laga sugaayay inuu golaha shacabka horkeeno si go’aan ay uga gaadhaan.


Haddase waxay qorshaynayaan inaan haba yaraatee laga doodin arintaan go’aana laga gaadhin ee sidaa loo daayo kadibna doorashada loo aado xarunta Xalane, waxayna ogyihiin in tani kala jebinayso golaha shacabka, ayse ku adkaystaan inay cod u qaadaan keliya musharixiinta kale ee imanaya xerada Xalane.



”Waa boob tuugo ah oo ay rabaan inay dalka dib u hantaan kadib markii uu gacantooda ka baxay muddo shan sanno ah ayuu yiri Cali Calasow. Si kastaba ha ahaatee waxaan fiirinaa talaabada xigta ee ay qaadaan kooxda Xalane.

Xildhibaanada ayaa la filayaa inay ka hor yimaadaan talaabada lagu iibsanayo dalka.

C/llaahi Warhaye


admin:

This website uses cookies.