X

Imisa lacag ayuu helayaa xulka ku guulaysta koobka kubadda cagta aduunka

Imisa lacag ayuu helayaa xulka ku guulaysta koobka kubadda cagta aduunka. Waxa dhamaad ku dhow koobka aduunka oo Axada soo socota ay ku tartami doonaan ciyaarta ugu dambeysa xulalka wadamada Faransiiska iyo Kurueeshiya.


Kurueeshiya ayaa ka mid ahayd wadankii kala tagey ee la oran jirey Yugaslafiya ayaa la ciyaaraysa Farasiiska oo ay ka buuxaan soo galeeti badan oo madow iyo cadaanba leh oo inta badan waalidkoodu ka yimi Afrikada galbeed iyo tan Woqooyi.


Haddaba waa imisa lacagta ay heli doonaan xulka ku guulaysta koobkan qaaliga ah ee mudada loo soo tartamay.

Xulka qaada koobka Axada wuxuu helayaa isku celis 40 milyan oo doolar halka xulka kaalinta labaad galana uu helayo 29 milyan oo doolar.

Waxa iyana faro madhnaan noqon doonin dhamaan 32-kii kooxeed ee ka qaybgalay ciyaaraha koobka aduunka ama ha guulaystaan ama hala badiyo. Waxa wadan kastana la guri noqon doonaa 8 milyan oo doolar.


Kuwa soo gaara wareega labaad ee 16-ka kooxood isku soo haraan waxa wadan kasta heli doonaa 15 milyan oo doolar halka kuwa soo gaara wareega sadexaad ee 8-da wadan isku soo haraan ay heli doonaan 18 milyan oo doolar.

Xulka gala kaalinta Afraad wuxuu la hoyan doonaa 23 milyan oo doolar halka kan gala kaalinta sadexaadna la siin doono 25 Milyan oo doolar.

Ciyaaryahanada matalay dalkooda imisaa iyaguna heli doonaa. Waxa ururka kubadda cagta aduunku u daysay arintaas wadamada ay ka soo jeedaan.


Waxase jira ciyaaryahano sida gool dhaliyaha Faransiiska kana soo jeeda Kamaroon ee Mbappe inuu lacagta ka qaybgalkiisa ugu deeqo hay’adaha wax caawiya. Lacagtaasi oo gaaraysa 20,000 oo doolar.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.